Jose Maria Marin oo ahaa qaban qaabiyihii FIFA ee ciyaarihii koobka adduunka ee Brazil lagu qabtay sannadkii 2014kii ayaa maxkamad la soo taagay ka dib markii lagu eedeeyey laaluush qaadasho.
Jose Maria oo ka mid ahaa saraakiil todoba ah oo lagu xidhay dalka Iswisarland oo markii dambena lagu wareejiyey maxkamadda Federaal Maraykanka ayaa gebi ahaan iska diiday eedaymaha la xidhiidha laaluush qaadasho ee lagu soo eedeeyey.
Jose ayaa lagu soo eedeeyey in uu laaluush ka qaatay shirkadaha xayeysiiya ciyaaraha ee ciyaaraha Copa America iyo Copa Baraasiil. Haddii lagu helo eedaymahan Jose waxa uu mutaysan doonaa xadhig gaadhaya 20 sanno oo xabsi ah.
Sidoo kale Booliska Jarmalka ayaa shalay la wareegay xarunta Kubadda cagta ee Jarmal oo laga shakisan yahay cashuuro lala baxsaday sannadkii 2006-kii koobkii adduunka ee Jarmalka lagu qabtay. Booliska ayaa wali waxay ku gudo jiraan baadhitaano ay ku wadaan xidhiidhka kubbadda cagta Jarmalka.
Mar hore ayaa waxay booliska Jarmalku waxay tageen guryaha madaxdii hore ee xidhiidhka kubbadda cagta Jarmalka iyo xarunta xidhiidhka kubbadda cagta Jarmalka.
FIFA ayaa waxa la soo dersay eedaymo musuqmaasuq oo uu Maraykanku ku soo eedeeyey. Balse wali warbixin rasmiya oo ay maxkamaddi shaacisay ayaan ka soo bixin eedaymahaas musuqmaasuq.
Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:
Booliska Jarmalka oo galay xafiiska FIFA
FIFA oo ku dhawaaqday musharaxiinta u tartamaya jagadda Madaxweynenimo
Musharaxa Madaxweyne ee FIFA Amiir Cali waxa uu ka soo horjeestay in dib loo dhigo doorashada
Baadhitaannadii FIFA oo la filayo in ay galaaftaan xubno iyo ururro hor leh
Xoghayihii FIFA oo shaqadii laga joojiyey eedo musuqmaasuqna loo jeediyey
Ninkii labaad ee Afrikaan ah ayaa isku sharaxay jagada madaxweynenimada FIFA
FIFA oo magacowday madaxa dib- u-habaynta iyada oo ay dul hoganayaan eedaymo musuqmaasuq
Micheal Platini waxa uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA
Wakhtiga ay dhacayso doorashada FIFA oo la cayimay
Madaxweyne-Xigeenkii hore ee FIFA wuxu iska difaacay eedaymo musuqmaasuq
Eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA oo galaaftay madaxii xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia
FIFA waxay xayiraad maamul saareen guddoomiyihii xidhiidhka CONCACAF Blazer
Maraykanku wuxu Iswiisarlaand ka dalbaday in ay u gacangeliso saraakiishii FIFA ee la xidhay
Booliska Caalamiga ahi wuxu FIFA ka xanibay 24.4 milyan oo Doollar
FIFA oo dib u dhigtay kala-xulidda waddamada u tartamaya martigelinka Koobka Adduunka ee 2026-ka
Caddaymaha musuq-maasuqa ee soo ifbaxayaa FIFA miyay gilgili doonaan mise way gambin doonaan?
Xubin ka mid ah Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa qirtay eedaymo laaluush