Wasiirka cusub ee Wasaaradda Madaxtooyada oo xilkii kala wareegay wasiirkii hore

????????????????????????????????????

Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay  oo ka qabsoontay xarunta Qasriga Madaxtooyada oo ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi , Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul iyo afhayeenka Cusub Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Ugu horaynba waxaa halkaasi ka hadlay, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo ka warbixiyey baaxada iyo culayska ay leedahay wasaarada madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee maanta la kala wareegaya xilalka.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq iyo soo dhawaynta masuuliyiinta cusub ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan oo la shaqeeyaan wasiirka cusub wasiirkii horena ay Alle uga baryayaan in uu Alle himiladiisa gaadhsiiyo.

Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada bari imikana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) isaga oo ka war bixiyey wixii u qabsoomay intii uu xilkaasi hayey, kuna wareejiyey Wasiiru-dawlaha cusub ee xilka la wareegay Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab).

Xafladan oo ahayd mid balaadhan waxaa iyana halkaasi xilalkii kula kala wareegay afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul iyo afhayeenka cusub Xuseen Deyr, hadalana ka jeediyey munaasibada.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana sheegay in uu maanta wareejinaayo wasaarad isu dheeli tiran oo uu wasiirka cusubi nasiib u yeeshay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

“Wasiirka cusub waxa aan Aniguna odhan karaa wuu igaga nasiib wacan yahay, maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda madaxtooyad la yidhaahdaa oo aan la wareegay balse maanta waxa aan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin arrimaheedii wasaaradnimo.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan  ayaa mahad iyo amaan balaadhan u soo jeediyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo lix sano ku dhaw ay soo wada shaqaynayeen  kuna  tilmaamay in uu yahay hoggaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan. Hadana ay ku kala tageen wanaag iyo isu laab xaadhnaan marnaba aanu jecelayn cid wax ka sheegta Madaxweynaha Qaranka.

Ugu dambayntii waxa hadalka qaatay Wasiirka Cusub ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku dheeraaday hadalka ayaa u mahadnaqay wasiirkii hore ee Madaxtooyada oo uu sheegay wasiirku in ay ahaayeen saaxiibo qoto dheer in badana uu kala soo shaqeeyey hawlaha wasaaradda madaxtooyada isna uu ka rajaynaayo in uu sidii iyo si ka sii fiicanba ula shaqayn doono.

1 (2)

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com