Wasiir Cukuse muxuu ku sababeeyey is-casilaad la’aantiisa?

“Su’aasha ugu badan ee email-kayga buuxisay telefoonna igu dishay waxa weeyi saaxiibaddaa maxaa kaa reebay”

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” ayaa ka hadlay xil-wareejintii loo sameeyey maanta wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji iyo wasiirka cusub Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiir Cukuse wuxu qiray in ragga is casilay ay saaxiibadii laakiin uu isagu ka hadhay.  “Su’aasha ugu badan ee emailkayga buuxisay telefoonna igu dishay waxa weeyi saaxiibaddaa maxaa kaa reebay” ayuu yidhi Cukuse.

Wasiirka Warfaafintu wuxu sheegay in wasiiradii is-casilay ay isku aragti ahaayeen isla markaana ay isku ogaayeen in ay foodka dhinac u wada ridaan marka uu  shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye qabsoomo walina uu diyaar u yahay in uu foodka dhinacooda u rido laakiin aanu iska casili karin xilka uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

“Foodka wali dhinicii saaxiibaday ayaan u ridi doonaa, laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo xilkan igu sharfay waan kala xishooday in aan is casilo” ayuu yidhi Cukuse.

Sida muuqata Wasiir Cukuse wuxu gudbiyey farriin dadban oo ah in ay saaxiibadii isku ogaayeen in ay wada dagaal galaan laakiin aanay isku ogayn in ay is wada casilaan.

Hoos ka daawo muuqaalka hadalka wasiirka: