Kenya oo lagu amaanay doorka nabadda ee gobolka

Xoghayaha waaxda arrimada dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa dowladda Kenya ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadato arrimaha nabad galyada ee gobolka Geeska Afrika.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay la oran jiray Twitter-ka ayuu ku sheegay inay magaalada New York ku kulmeen isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iskaashiga dhanka ammaanka.

Blinken ayaa sheegay in tan iyo markii uu hoggaanka la wareegay madaxweyne William Ruto ay Kenya hormuud ka noqotay nabadgalyada gobolka.

Waxaa dhanka kale dowladda Kenya uga mahadceliyay inay oggolaatay hoggaaminta taageero amni oo la siinaya dowladda dalka Haiti.

Blinken ayaa ballan qaaday in Maraykanka uu ka qayb qaadan doono soo afjaridda dhibaatada ka taagan Haiti iyo ilaalinta xuquuqul aadanaha.

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale Kenya ku amaanay dadaalka ay ku bixinaysa soo afjaridda colaadda Suudaan , xoojinta nabad galyada bariga Congo iyo ka hor tagga xagjirnimada ee gudaha Soomaaliya.
Blinken ayaa sidoo kale dowladda Kenya ku bogaadiyay hoggaaminta ajeendaha wax ka qabashada isbeddelka cimillada ee qaaradda Afrika.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay ka qayb galka shirkii cimillada ee Afrika ee horraantii bishan lagu qabtay magaalada Nairobi iyo inay ballan qaadday 30 milyan oo doolar oo lagu dardargelinaya u adkeysiga cunno yarida ka jirta Afrika.

Ruto ayaa xusay in Kenya ay doonaysa inay ka faaโ€™iidaysato fursado cusub oo dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ah oo kala dhexeynaya Maraykanka.