Kulan lagaga wada hadlayay Badbaadada Suuqa Gobanimo oo ay ka soo qayb-galeen Guddida Bacadlaha Gobanimo, Dawlada Hoose Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka Qabsoomay xafiiska Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL

Kulan lagaga wada hadlayay Badbaadada Suuqa Gobanimo oo ay ka soo qayb-galeen Guddida Bacadlaha Gobanimo, Dawlada Hoose Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka Qabsoomay xafiiska Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL ee magaalada Hargeysa.

Ugu horayn Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa ka hadlay Ujeedada Shirkan waxaanu sheegay in ciidamada Dabdemisku Qiimeyn ku sameeyeen suuqaasi, kaasi oo haba yaraatee lahayn waddooyin gaadiidka Dabdemisku ka soo geli karaan Suuqaas, sidoo kale markastaba Gaadiidku Baarkin ka dhigtaan Suuqa hortiisa.
Dhanka kale ayaa Taliyuhu wuxuu xusay in markastaba la sameeyo ka hortag inta aanay dhicin masiibadu.

Dhankiisana xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa sheegay ahmiyada suuqa gobanimo u leeyahay caasimadda Hargeysa, waxaanu sheegay in si wada jir ah wax looga qabto si loo helo dariiqyo furan oo gaadiidka dabdemisku soo mari karo.

Guddida bacadlaha oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in bannaynta suuqa gobanimo ay marwalba dan ugu jirto dadka ku ganacsada suuqaas, waxaanay sheegay in tallaabo kasta oo suuqaas lagu badbaadinayo laguna bannaynayo ay iyagu diyaar u yihiin.

Gebo-gabadii waxaa halkaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dhinaca amniga Maxamed Xuseen Cabdilaahi isaga oo ku dheeraaday ahmiyada bannaynta iyo badbaadinta suuqa ay muhiim u tahay wasaaradda iyo guud ahaan qaranka, iyadoo laga warqabo dababkii waaweynaa ee qabsaday suuqyada Waaheen, Wajaale iyo suuqyo kaleba.

Dhanka Ciidanka Dabdemiska waxaa iyaguna ku wehelinayay Taliyaha Xoghayaha guud ee ciidanka Dabdemiska Ibraahim Suldaan Xasan, Hogaanka Maaliyadda Amran Axmed Baashe,Hogaanka Hawlgelinta Cabdifataax Maxamed Xaashi,Hogaanka Hawlaha Cabdicasiis Axmed Cilmi iyo Hogaanka Tababarka Kheyre Goox.

Hadaba ugu dambayn waxaa shirkaas ka soo baxay qodobadan:
1. In suuqa gobanimo la furo dhamaan waddooyinka gala si gaadiidku dabdemisku u soo mari karaan.
2. In dadka suuqaas ku ganacsadaa ay helaan tababarka aasaasiga ah ee dabdemiska.
3. In meherad kasta la dhigo haamaha dabdemiska si dabku intuu yaryahay lagu sii damin karo.
4. In xoojiyo nidaamka gaadhka iyo amaanka suuqa.
5. In wax laga qabto xadhkaha korontada ee sida habqanka ugu dul daadsan suuqa gobanimo.

Allaa Mahad leh
Cabdiwahaab Toox-yare
Info.fire@sldgov.org