Madaxweynaha Uganda  Yeweri Musavani ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Somaliland u magacaabatay dalkaasi Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Madaxweynaha Uganda  Yeweri Musavani ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Somaliland u magacaabatay dalkaasi Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in aanay taageersanayn Gooni-goosadka Somaliland, waayo waxaa uu ku tilmaamay inay tahay qalad.

Wuxuu sheegay in dadka Somalia iyo Somaliland ay yihiin kuwo isku duruuf ah, isagoo xusay in loo baahan yahay inay Midoobaan labada dhinac.

Jaamac Muuse Jaamac ayaa horey u ahaa La-taliyaha Gaarka ah Madaxweyne Biixi, balse xilkan ayaa imika u muuqda mid cusub oo dhawaan loo magacaabay, wallow aan si furan loo shaacin.