Kiiniya oo shaacisay magacyada saraakiil Kiiniyaan ah oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Booliska Mombaasa ee dalka Kiiniya ayaa soo saaray magacyada saraakiil kiiniyaan ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo tababar lagu soo siiyey gudaha dalka Soomaaliya, ka dibna kiiniya dib ugu soo laabtay.

Madaxa Ciidamada Amniga Mombasa Nelson Marwa ayaa ku dhawaaqay magacyada saraakiisha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee u dhalatay dalka kiiniya kuwaas oo uu sheegay inay tababarka ku soo qaateen gudaha dalka Soomaaliya.

Magacyada saraakiisha ayaa kala ah sidan, Nuradin Khamis, Lukeman Khatib, Nassir Sogomo, iyo Jamal Rashid, waxaanu sheegay inay yihiin kuwo dhammaantood hore u daganaan jiray Gobolka xeebta ee dalka kiiniya.

Nelson Marwa ayaa waxa uu intaasi raaciyey oo uu sheegay in xubnahani ay weeraro qorshaysan ka soo qaadaan dhinaca deegaanada Majengo iyo Diani, halkaasi oo weerarada laga soo abaabulo.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska Mombaasa ay baadi goob ugu jiraan sidii ay u soo qaban lahaayeen Xubnahan, kuwaasi oo uu ku sifeeyey inay lidi ku yihiin amaanka Mombaasa iyo guud ahaan Gobolka xeebta ee Kiiniya.

Gudaha dalka Kiiniya waxa ku sugan dad badan oo kiiniyaan ah oo ku biiray kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo ka qayb qaata weerarada kooxda Al-shabaab ka fuliso gudaha Kiiniya, isla markaana ay ka helaan xogaha iyo macluumaadka ku saabsan dhinaca amaanka.

bandhige@gmail.com