Komishanka Doorashooyinka oo bilaabay tijaabada diwaan-gelinta codbixiyaha

?

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Hargeysa ka bilaabay diiwaan-gelin codbixiyaha oo tijaabo ah taasi oo u hordhac u noqon doonta diiwaan galinta codbixiye-yaasha Doorashada ee la filayo in uu Komishanku dalka ka bilaabo dhowaan.

Komishanka Qaranka ayaa ka furay xarunta Ha’yada shaqaalaha oo oo lagu diiwaan gelinaayo dad ka socda ururada bulshada ee Somaliland, si loo xaqiijiyo oo isku halaynta qalabka lagu fulinaayo diiwaan gelinta.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa faahfaahin ka bixiyey qalabka diiwaan-gelinta, isaga oo sheegay in uu qalabkani ka mid yahay kuwa dunida ugu horeeya isla markaana ay wanaagsan tahay in la tijaabiyo si aanay hadhaw u dhicin in ku celcelin, ama in uu qof labba jeer codeeyo.

Waxaanu Guddoomiyaha doorashooyinku xusay in qalabkan tayadiisa ay Guddigu saddex jeer oo hore ay ugu dhex tijaabisay xarunta Komishanka Qaranka, Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka waramayaana waxa uu yidhi:

Meeshan waxa yaala saddex koombiitar oo aanu damacsan nahay in lagu diiwaan-geliyo ilaa 1000 qof ama 2000 oo indhood, diiwaan gelintanina waa mid gudaha Isha iyo wajigaba laga qaadayo sawir, taasi oo meesha ka saari doonta in qofku labba jeer codeeyo, bulshadana waxaan u sheegayaa oo aan uga digayaa in aanay tani la mid ahayn kuwii hore ee lagu celcelin jiray, laakiin tani waa mid dhamaystiran, oo xataa dhinaca sharciga ay Gollaha wakiiladu xeer ka soo saaree.”

Mar wax laga waydiiyey Guddoomiyaha Komishanka Qaranka eedo la xidhiidha in uu mashruuca wacyi-galinta dadweynaha ee saxaafada la marin jiray, uu siiyey Hay’ad iyo ururo gaar ah, waxaanu xusay Guddoomiyuhu in aanay wali bilaabin wacyi-galintii komishanka, balse ay jirto Hay’ada IOM oo ay siiyeen hanaan wacyi-galineed oo ay soo bandhigtay Hay’adaasi.

Diwaan gelinta ayaa la filayaa in ay dhowaan ka bilaabantanto guud ahaan dalka, inkastoo qalabka lagu diwaan-gelinayo codbixiyaha uu ka duwan yahay kuwii hore, ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono ku celcelinta doorashada codbixiyaha.

bandhige@gmail.com