Norway oo shaacisay Soomaali ka qeyb galay weerarkii xaruntii dukaamaysiga ee Westgate

Ku dhowaad laba sanno oo maalmo dhiman ayaa laga joogaa markii niman aan haybtooda la garanaynin weerareen xaruntii dukaamaysiga ee Westgate ayey waxay maanta dawlada Noorway sheegtay in Xasan Dhuxulow oo Soomaali ah oo sitay dhalasho Noorway uu ka qayb qaatay weerarkaas.

Booliska Noorway ayaa ku dhawaaqay natiijada baadhitaan ay sameeyeen oo la xidhiidha weerarkii Westgate. Baadhitaanka oo socday ku dhowaad muddo laba sanno ah.

Weerarkaasina waxa ku dhintay dad gaadhaya 65 qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen.

Afhayeenka booliska Noorway Bernsenayaa u sheegay wargayska Aftenposten ee ka soo baxa dalkaas in Xasan Dhuxulow uu ka qayb qaatay weerarkii argagixisada lagu beegsaday xaruntii dukaamaysiga ee Westgate.

Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Noorway ayaa sheegay Xasan Dhuxulow oo weerarkaasi ku dhintay ay da’diisu ahayd 23-sano jir, waxa uu ku dhashay dalka Soomaaliya, hase yeeshee isaga iyo qoyskiisa ayaa dalka Noorway ku yimid qaxooti ahaan sanadkii 1999.

Sida uu sheegay Bernsen waxa jirtay marar ay ka shakiyeen ninkaasi laakiin ma jirin cadaymo loo hayey oo xiligaasi lagu xidhi kari lahaa. Hase waxay cadaatay markii baadhistii dhammaatay in uu argagixiso uu ahaa ninkaasi.

Sidoo kale booliska kiiniya ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow uu tegay waddanka Soomaaliya intii aanu ka qayb galin weerar ka hor. Intii uu joogay Soomaaliya ayaa waxa uu ka shaqeeyey isku xidhka ururka Al-shabaab iyo xubnaha ay ka qortaan Kiiniya.

bandhige@gmail.com