๐—ก๐˜‚๐˜…๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ ๐—–๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ž๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa war cusub ka soo saaray goโ€™aamadii qabsoomida doorashooyinka ee ay shalay shaaciyeen.
Qoraal ay ku baahiyeen degelkooda Baraha bulshada oo ay ku soo lifaaqeen goโ€™aamadii ay soo saareen oo ay ku saxeexan yihiin Shan xubnood oo kamid ah Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa u dhignaa sidan.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL sida uu dhigay Xeer hoosaadkoodu, marnaba ma baahin warqaddaha goโ€™aamada KDQ soo saaraan ee ay ku saxeexaan yihiin xubnaha KDQ 6aad.
Laakiin taas badelkeeda, KDQ waxa uu goโ€™aamada noocaas ah u baahiyaa hab qoraal/hadal oo aan lahayn saxeexa xubnaha KDQ. Gudoomiyaha ayaa awood u leh in uu ku hadlo afka KDQ marxalladdan, sida uu dhigayo Xeerhoosaadka KDQ.
Haddaba waxaanu caddaynaynaa isla markaana bulshada la waddagaynaa in goโ€™aankii Cayimaadda Qabsoomida Doorashooyinka JSL ee KDQ maalintii shalay soo saaray in ay saxeexeen shan xubnood oo ka mid ah xubnaha KDQ. Ugu dambayn, si aanu bulshada JSL ugu bayaamino waxaanu halkan kula wadaagaynaa Warqaddii Goโ€™aanka ee xubnuhu saxeexeen.
ALLAA MAHAD LEH

ALLAA MAHAD LEH