WAR-SAXAAFADEED

Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo garab ka helaya kooxaha huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay baabuur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey.
Mar kasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxa ay ka qaadaan tallaabo adag oo lama ilaawaan ah.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.