Ku-simaha Madaxweynaha oo hambalyada sannadka cusub ee Islaamka u diray shacbiga Somaliland

 

Madaxweyne-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey sannadka cusub ee Islaamka, 1438 Hijriyah, oo maanta curtay.

War-saxaafaddu goor dhawayd oo duhurkii dabadii ah ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa u dhigan sidan:

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka 1438 (Hijiriyada) awgii kuna beegan maalin-nimada Axada ah (Beri) ee taariikhda milaadiguna ay tahay 02.10.2016, uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena ku simaha Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taas la mida u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan. isagoo ku tahniyadaynayaa curashada sanadka cusub ee Islaamka awgii.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu Madaxweyne ku xigeenku shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo inagoo isku duuban shacbi iyo xukuumaddaba.

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

Email: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/