Kulan ay soo agaasimeen xafiiska waxbarashada degmada Hargaysa.

Kulan ay soo agaasimeen xafiiska waxbarashada degmada Hargaysa, isla markaana ay ka soo qayb galeen maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Hargeysa, daneeyayaasha waxbarashada iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa maanta lagu qabtay Maktabada akhriska iyo cilmi-baadhista Hargeysa oo ku taala degmada Maxamuud Haybe.

Kullankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa nidaamka wada-shaqayneed ee xafiiska waxbarashada degmada Hargeysa, dowladda hoose ee Hargeysa, maamulka dugsiyada hoose dhexe iyo wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Sidoo kale Khadan Cali Maxamuud, oo ka socotay dowladda hoose ee Hargeysa, ayaa sheegtay in ay masuuliyadii ka saaran tahay dardargelinta nidaamka waxbarashada iyo wadashaqeynta hay’adaha ay khusayso, isla markaana ay habboon tahay in markasta xil la iska saaro.

Guddoomiyahan waxbarashada degmada Hargaysa Aamina Casayr Magan, ayaa maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Hargeysa kula dardaarantay in dhan looga soo wada jeesto wadashaqeynta nidaamka waxbarashada degmada Hargaysa, si loo horumariyo adeegbixinta waxbarasho.

Gaba-gabadii Qaar ka mid ah maamulayaashii ka soo qayb galay kulankaa ayaa iyaguna halkaa ka hadlay waxaanay sheegeen, in ay diyaar u yihiin fullinta amarada ka soo baxa xafiiska waxbarashada degmada Hargeysa iyo wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.