Kulan Diimeedka ugu wayn ee ka dhaca dhulka Soomaalida ee Tabliiqa ayaa ka furmay magaalada Hargeysa.

Magaaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland sannadkasta waxa ka qabsooma kulan diimeedka ugu weyn ee Geeska Afrika, kaas oo ay yeeshaan Culimada Tabliiqiyiintu.

Degaanka Burcada-yar ee bariga magaalada Hargeysa waxa maanta sirasmiya uga furmay kulan diimeedkaasi, iyada oo goobtaasi soo gaadheen kumanaan kun oo qof oo Muslimiin ah, kuwaas oo isaga kala yimid dhulalka Soomaalida iyo dunida inteeda kale.

Kulankan ayaa socon doona haddii ALLE Idmo muddo saddex cisho ah, dadkaasi oo ILLAAHEY dartii isugu yimid.

Kulan diineedka ugu wayn ee ka dhaca dhulka Soomaalida, ayaa sannadkasta lagu qabta magaalada Hargeysa, kaas oo kulmiya kumanaankun oo Muslimiina.