Kulmiye iyo garab ka tirsan UCID ayaa ku heshiiyey xubno ay u sharaxeen Shirguddoonka Wakiillada

Warbaahinta xisbiga Kulmiye ayaa goor dhawayd baahisay in ay heshiis kala saxeexdeen Xisbiga Kulmiye iyo garab ka tirsan Xisbiga UCID. Heshiiskaas ayaa la isula gartay in ay Golaha Wakiillada hoggaanka u qabtaan Yasiin Maxamuud Xiir Faratoon, Siciid Mire Faraax (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo kala noqonaya Guddoomiye, Kuxigeen 1aad iyo Kuxigeen 2aad, sida ay u kala horreeyaan.

Sida wararku tibaaxayaan, 10 xubnood oo ka tirsan xubnihii dhawaan uga soo baxay Golaha Wakiillada ayaa heshiiskan qayb ka ah. Xisbiga Kulmiye waxa Golaha Wakiillada uga soo baxay 30 xubnood, marka 10kan loo geeyo tirada ay haystaan waxay noqonaysaa 40 xubnoo. Si uu Kulmiye u hanto hoggaanka Golaha Wakiillada, wuxu u baahan doonaa laba xubnood oo kale oo taageera.

Isbahaysiga Xisbiyada Waddani iyo UCID ayaa hore u soo bandhigay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Cumar Jaamac Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil in ay noqdaan Guddoomiye, Kuxigeen 1aad iyo Kuxigeen 2aad sida ay u kala horreeyaan. Wali ma cadda tirada xubnaha rasmiga ah ee uu Waddani haysto, iyadoo uu yahay xisbiga tirada ugu badan ka helay doorashadii Golaha Wakiillada (31 xubnood).

Waxa dhici karta in ay jiraan xubno aan wali codkooda go’aan ka gaadhin oo ay labada dhinacba tirsanayaan. Bishan July dhexdeeda ayaa la filayaa in lagu kala calaf qaado tartankan oo ah tallaabada kaliya ee ka hadhay dhammaystirka doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhawaan ka qabsoomay Somaliland.

Bandhige@gmail.com