Kuuriyada Waqooyi waxay waddankeeda ka eriday wariyeyaal ka tirsan BBC-da

Koox weriyayaal ah oo la shaqaynayey weriye Rupert Wingfield-Hayes oo ka tirsan BBC_da ayaa waxa waddankooda ka eriday Kuuriyada Waqooyi kadib markii ay warbixin nolosha dadka ku nool caasimada Kuuriyada Waqooyi.

Weriye Rupert Wingfield barnaamij soo saarihiisa Maria Byrne iyo kaameraystahoodii Matthew Goddard ayay saraakiishu celiyeen iyaga oo ka soo bixi lahaa Kuuriyada Waqooyi. Kadibna waxa ciidamada su’aalo waydiiyeen muddo sideed saacadood ah.

Intaas kadibna waxa loo qaaday dhinacaa iyo garoonka si dib loogu celiyo dhinacay ka yimaadeen.

Kooxdan weriyayaasha ah ayaa waxay ka qayb galayeen shirwaynaha xisbiga Shaqaalaha, waxaana sidoo kale weftigu ku guulaysteen abaal-marinta Nobel-ka.

Dhacdadan ayaanay wali waxa raali gelin ah ka bixin xukuumadda Waqooyiga Kuuriya.

bandhige@gmail.com