Madaxweyne Siilaanyo oo lagu soo dhoweeyey Imaraadka

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo safar ugu ambabaxay Isku-taga Imaraadka ayaa waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Imaaraadka, lana filayo in ay guddo galaan ujeedada socdaalkooda sida ugu haboon.

Waxa Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey madax sar sare oo ka socda isu-tagga Imaaraadka Carabta kuwaas oo Madaxweynaha ku sugaayey garoonka diyaaradaha markii uu soo degay Madaxweynuhuna waxa loo gelbiyey goobtii loogu talogalay in uu ku soo dego.

Waxa iyaguna Madaxweynaha soo dhaweeyey Masuuliyiintii halkaa hore ugu sugnayd ee ka socday Somaliland oo kala ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil “Cali Shoombe”, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Maxamed Cumar “Cali Xoor-xoor” iyo Protocol ku xigeenka Madaxtooyada Caydaruus Mahdi Xaashi.

Weftigan ayaa waxa la filayaa in heshiisyo la soo galaan dawladda Imaraadka Carabta kuwaas oo ay illo xogogaal ahi sheegayaan in ay ku jiraan Dekedda Berbera iyo Buurta Gacan-libaax.

Weftigan ayaa la filayaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan maalinta Arbacada.

QH6A0003 QH6A0001 DAY 1_001 DAY 1_003 DAY 1_006

bandhige@gmail.com