La-taliyaha Madaxweyneha ee Arrimaha Siyaasadda iyo masuuliyiin reer Gabiley ah oo soo dhaweeyey magacaabista safiirka Jabuuti

La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo Daa’uud Khayre oo ay wehelinayaa masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka iyo xubno caan ah oo madax badannaan ayaa maanta barqadii Gabiley ku qabtay shir-saxaafadeed.

Daa’uud Khayre ayaa ku tilmaamay magacaabistan safiirka cusub waa cusub oo u beryay diblomaasiyadda Somaliland iyo tan Jabuuti.

“Awalba Somaliland safiir way ku lahayd Jabuuti, haddii ay Jabuuti maanta soo magacawday safiir cusub waa Ilaahay mahaddii. Waxay wax badan ka tari doontaa wada-shaqaynta labada dal, waxayna meesha ka saari doontaa haddii ay dadweynaha qaar shaki ka qabeen xidhiidhka labada dal.”

Sidoo kale Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan “Madaxay”, Aadan-Weli, Is-leeg iyo Maxamed-Biid oo ka mid masuuliyiinta shirkan maanta kala qayb-galay Daa’uud Khayre ayaa dhammaantood soo dhaweeyey safiirkan ay Jabuuti soo magacawday.

Gabiley ayaa jaaliyad ballaadhan ku leh Jabuuti, iyadoo ay Jabuutina sidoo kale jaaliyad ballaadhan ku leedahay gobolka Gabiley.

Hoos ka daawo muuqaalka Horn Cable TV ee shir-saxaafadeedka.

Bandhige@gmail.com