Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiis oo xustay Maalinta Dhallinayaradda Adduunka

Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ayaa xustay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay dhallinyaradda adduunka, taasi oo ay ku xustay kulan ciyaareed kubbadda cagta ah oo dhex martay laba kooxood oo heerka labaad ah.

Xuskan maalinta dhallinyaradda ayaaa waxa wasaarada ka caawisay ha’yadda Qaramadda Midoobay ee Carruurta. Hal-ku-dhiga sannadkana waxa loo qaatay

“Ku-guubaabinta dhallinyaradda waddaniyadda.’’

Kulan ciyaareedkan oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Tareedhiska ee Hargeysa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey xidhiidhka kubbadda cagta, waxaana kulankaas wada ciyaaray labada kooxood ee Wasaaradda Beeraha iyo Shirkadda Socdaalka Bari iyo Galbeed oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee Hargeysa.

Kulankan xuska ah ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) oo ugu horeyn u mahad naqay ha’yadda Qaramadda Midoobay ee Carruurta iyo wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo iska kaashaday qabashada xuskan.

Sidoo kale waxa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Dhallinyaradda Cumar Cali Cabdi (Sayid Cumar oo ugu horey u mahad naqay Qaramadda Midoobay ee Carruurta, waxa kale oo uu dheeraaday dhallinyaradda iyo qeybta ay kaga jiraan hor-u-marka waddanka.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadal dheer ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana hadaladiisi ka mid ahaa:

“Waxaa sharaf noo ah inaan idinkala soo qeyb-galno xuska maalinta adduunka u asteysay dhallinyaradda taas oo ay qeyb ka yihiin dhallinyaradda Somaliland, ugu horeyn waxaan halkan uga mahadnaqayaa hay’adda Qaramadda Midoobay ee Carruurta oo qeyb muhiim ah nagala qaadatay xuskan, iyo sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo iyaguna kulankan soo qaban-qaabiyey. Ujeedada ugu weyni waa inaynu dhallinyaradeena tusno inay dunida kala siman yihiin xuquuqda dhallinyaraddu leedahay, waxaana xuskan uga faa’iideysanaynaa oo h al-ku-dhig looga dhigay in dhallinyaradda in lagu guubaabiyo waddaniyaddu waxay tahay, oo aan filayo in dhamaan taasi ay dhallinyaraddu wada ogtahay.’’

Gaba-gabadii labadii kooxood ee kulanka xuska ah ciyaarayay ayaa labadii qeybood ee ciyaarta isla mari waayey bar-bar dhac 1-1 ah, waxaana aakhirkii rikoodhayaal guushu ku raacday kooxda Wasaaradda Beeraha oo guushu ay ku raacday 4 halka kooxda Bari iyo Galbeed ay keensatay 3. Waxaana labada kooxoodba garoonka dhexdiisa lagu guddoonsiiyay labadii koob ee kaalmaha koowaad iyo labaad.

Sidoo kale masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiis ayaa ka qeyb-galay munaasibado kala duwan oo subaxnimadii lagu kala qabtay Maansoor iyo Guuleed Hudheell, kuwaas oo lagu xusayay maalintan dhallinayaradda caalamka.

wasaarada 3 Wasaarada 2 Wasaarada 1 wasaarada 4

bandhige@gmail.com