La-taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Bariga, Fu’aad Aadan Cadde, oo geeriyooday, Madaxweyne Siilaanyo oo tacsiyeeyey

Fu’aad Aadan Cadde oo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bariga horena xilal wasiirnimo uga soo qabtay dawladihii hore ee Somaliland ayaa saaka ku geeriyooday cusbitaal ku yaal Turkiga, halkaas oo uu muddo ku xanuunsanayey.

Fu’aad Aadan Cadde wuxu dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka Sool, waxana lagu xasuusan doonaa in uu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah, hal-adayg u dhashay isla markaana hadallo-caddaa oo aan marnaba ka leexleexan jirin waxa uu aaminsan yahay.

Fu’aad Aadan Cadde wuxu ahaa siyaasi aad ugu dheggan mabda’a Somaliland-nimo. Mar looga shekiyey in uu Puntland u wareegayo wuxu yidhi.

“Waxan dhiman doonaa aniga oo reer Somaliland ah kana shaqaynaya danta Somalilan.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta war-qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ku tacsiyeeyey Fu’aad Aadan Cadde kuna tilmaamay geesi ka soo qaby-qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Somaliland.

Weli xukuumaddu war kama ay soo saarin goorta maydkiisa la keenayo iyo halka lagu aasi doono waxana la filayaa in faahfaahinta wararkaasi ay soo baxaan xiliyadda dambe ee maanta ilaa berito.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadu sidan ayuu u dhigan yahay:

TACSI MADAXWEYNE -15/07/2015 – bandhige@gmail.com – Gmail

TACSI MADAXWEYNE -15/07/2015
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cade oo ku geeriyooday Dalka Turkiga saaka 15/07/2015.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somalilandba, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhaba oo aan ka gaban mawqifkiisa wadanimo.
Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo sheegeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu ilaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.
waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.