Masuuliyiin xilal sar-sare ka hayey xisbiga Waddani oo iscasilay

Xoghaya Arrimaha Gudaha xisbiga Waddani Mustafe Qodox, Xoghayaha Qorshaynta Cabdirashiid Riyo Raac iyo  Guddoomiyaha garabka Dhallinyaradada  ee xisbiga Waddani Maxamuud Cabdilaahi Cabdi ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen xisbiga Waddani, sidaasna waxay ku sheegeen shir-saxaafadeed ay maanta ku qabteen Hargeysa.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbiga Waddani oo uu ugu horey ka hadlay shir-saxaafadeedkan ayaa yidhi:

“Dadka waxa loo kordhiyey ayaa ku jirtaan, siyaasadiin ma fir-fircoona, waxaad ogaydeen wada-hadalkii xukuumadda iyo saddexda xisbi ee heshiiska muran ka taagan yahay lagu gaadhay madaxtooyadda, waxaan ka mid ahaa shantii qof ee xisbiga Waddani uga qayb gashay, waxaad kale oo aad ka war haysaan inaan habeenkii heshiiskaa ka kacay oo aanan kaligay saxeexin, oo aan u arkaayey in aanu macquul ahayn heshiishkaasi oo u adeegaya waxaanu ka doodaynay.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

buuqa waxa keenay muddo kordhinta Golaha Guurtidu sameeyeen, aniga oo diidan muddo kordhintaa, kuna tilmaamnay xaaraan, ayaa waxa heshiiska ku qornaa qodobkiisa koowaad waxaanu ixtiraamaynaa go’aanka Golaha Guurtida, runtii aniga damiir ahaan way isii wayday inaan aqbalo heshiishkaas Guddoomiyaha hortiisa waxaan ka baxay goobtii heshiishka lagu saxeexayey.”

Waxa kale oo shir-saxaafadeedkan ka hadlay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda xisbiga Waddani Maxamuud Cabdilaahi Cabdi waxaanu yidhi:

“Waxaan ahay Guddoomiyihii Garabka Dhallinayarada xisbiga Waddani, waxaan maanta anigoo miyirkayga iyo maankayga qaba waxaan halkan maanta bulshada reer somaliland ugu cadaynayaa inaan iska casilay xilkii aan xisbiga u hayey Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada.”

Gebo gebadii shir-saxaafadeed ka hadlay Xoghaya Qorshaynta Cabdirashiid Riyo Raac waxaanu yidhi:

“Waxa kaliya ee soo kordhay waxa weeyi anigoo dhinaca xukuumadda ku dhaliilaynay dib u dhaca doorashooyinka, in aanu anigu ka qaby ka noqono oo aanu ka jawaabi kari wayno eedaymahaasi.”

Mar la waydiiyey Xoghaya Qorshaynta Cabdirashiid Riyo Raac maadaama aad ka baxdeen xisbiga Waddani dhinacay u digo roganayaana, waxa uu ku jawaabay:

“Xaqiiqdu waxa weeyaan, anigu imika waanu iscasilnay, siyaasaddana muddo waanu ka nasanaynaa hawlahaga ayaanu qabsanaynaa, laakiin siyaasaddu waxa weeyaan waxbaa isbadala, xisbiyadana barnaamijyo kale ayaa yimaada, musharax kale iyo cid aanu isku mabda nahay baa iman karta Kulmiye, UCID jirkaa, Waddani laftiisaa isbadali kara. Runtiina maanu odhan siyaasadda waanu ka baxnay.”

Waa markii ugu horeysay ee saddex masuul oo ka tirsan xisbiga Waddani iska casilaan jagooyinkii ay ka hayeen, kuna eedeeyaan inuu xisbiga Waddani la dhinac yahay xukuumadda Axmed Siilaanyo ee muddo kordhinta muranka dhalisay Golaha Guurtidu u kordhiyeen muddo xileedkeedii.

 

bandhige@gmail.com