Yoweri Museveni ayaa ka ambabaxay dalka Burundi iyada oo aan wax heshiis ah laga gaadhin wadahadaladii u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaridka

Madaxweyne Yugaandha Yoweri Museveni oo ay waddamada Bariga Afrika todobaadkii hore u magacaabeen dhex-dhexaadiyaha xukuumadda Burundi iyo mucaaridka ayaa ka ambabaxay maanta waddanka Burundi iyadoo aan wax heshiish lagu gaadhin arrimaha qaska ka dhaliyey waddanka Burundi.

Yoweri Museveni intii aanu ka ambabixin Burundi ayuu warbaahin u sheegay in ay bilaabeen wadahadalo u dhexeeya mucaaridka, ururada bulshada iyo xukuumadda, waxaanu yidhi:

“xisbul xaakimka, xisbiyada mucaaridka iyo ururada bulshadu waxay ku heshiiyeen inay wada hadlaan, si loo gaadho heshiish kama dambays ah.”

Hore ay u burbureen wadahadalo ay bilaabeen Qaramada Midoobay.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay labadii bilood ee rabshadu ka socdeen waddanka Burundi, in 158,000 waxay u qaxeen waddamada jaarka sida lagu sheegay warbixin Qarama Midoobay soo saartay dhawaan.

Waxa la filayaa in wadahadalada bilaabmay ay yareyn doonaan rabshadaha haatan ka aloosan waddanka Burundi.

bandhige@gmail.com