Waddo laami ah oo markii ugu horeysay laga hir-galiyey Ceerigaabo

Waddo laamiya oo 3 kiiloo mitir ah ayaa laga dhisay Ceerigaabo, waddadan ayaa noqonaysa waddadii ugu horeysay ee laga dhiso Ceerigaabo.

Laamidan oo maraysa daamuur dhigista ayaa waxa loo qabtay xaflada lagu shaacinayo waddadan oo ka soo qayb galeen maamulka heer-dagmo iyo heer-gobol, shirkadda dhisaysay waddadan, iyo dadwayne kale.

Ugu horayn waxa ka hadlay injineerka shirkadda dhisaysay waddadan Eng Abokor Cabdilaahi Cali, waxaanu yidhi:

“dadweynaha reer Ceerigaabo waxaan ugu bushaareynayaa dhismahan waddadii ugu horeysay ee  laga dhiso Ceerigaabo,  sidoo kale waxaan ugu bushaareynayaa in dadweynuhu ku ciidi doonaan waddo laami ah, mantana waxaa daamurkii ku shubaynaa kilo mitir iyo badhkii ugu horeeyey, mid iyo badh kalena ay marka ramadaantu baxdo ayaa la shubi doonaa.”

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Maayirka Degmada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur Faarax, waxaanu yidhi:

“Imika waxaanu dhisaynaa 3 in 3 kiloomitir, waxaana ku xigi doona 3 kiloo mitir oo kale.”

Gebo gebadii waxa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay, waxaanu yidhi:

“Tani waa guul taariikhiya, anigana sharaf-weyn bay ii tahay maadaama ahay badhasaabkii ugu horeeyay ee taagnaa iyadoo la dhisayo wada-laami ah oo dhex marta magaaladda ceerigaabo.”

Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ayaa si weyn u soo dhaweeyey  laamidan ay markii ugu horeysay Ceerigaabi yeelatay.

Si kastaba ha ahaatee Golahan Deegaanka xiligan waxay ku guulaysteen in ay rumeeyaan rajadii ay lahaayeen dadweynaha reer Ceerigaabo ee ahayd in ay mar uun laami ku dhex-socdaan magaaladda dhexdeeda.

Waddadan laamida ah ayaa waxweyn ka taridoonta isku socodka dadka iyo ganacsig ee magaalada dhexdeeda.

bandhige@gmail.com