Laanta socdaalka Lawyacaddo oo lagu soo warramayo in ay si xushad-darro ah ula dhaqanto dadka masaafiriinta ah

Lawyacaddo oo ah xadka kala badha waddanka Jabuuti iyo Somaliland waxaa ku yaalla xarun ay lee yihiin laanta socdaalka Somaliland, waxaanay dadka musaafiriinta ah ee labada waddan iskaga gudbaa ka waramayaan sheekooyin dhib iyo murugo leh. Waxa ay ku tilmaameen ragga ka haw gala waaxdaas ee ku sugan Lawyacaddo in ay yihiin kuwo naxaiistu ka guurtey oo si qaab daran ula dhaqma had iyo jeer dadka socotada ah.

Halka ciidanka socdaalka Jabuuti marka loo gudbo ay dadka wixii sharci ah iyo lacagaha laga qaado oo kaliya ay ka qaadaan isla markaana ay dadka ula dhaqmaan si ay ku jirto ixtiraam badan isla markaana aan is jiidh-jiidh iyo kala yaac midna ahayn.

Sheekooyinka ay dadka qaar ka mid ah uga warameen warsidaha Bandhige waxaa ka mid ah in haweenay uur leh ay ku yidhaahdeen qaarka mid ah laanta socdaalku ilmaha aad caloosha ku siddana ka bixi fiisaha isla markaana ay qasab ku noqotey in ay bixiso, sidoo kale ma jiro dal-ku-gal waqti ku eg. Haddii uu qofku Jabuuti maanta galo barina soo laabto waxaa labada jeer laga kala qaadayaa $32  Doollar, shalay uun baan marayna waxba qofka uma qabanayso halka dhinaca Jabuuti ay ku xidhan tahay qofku dal-ku-galka uu dalbanayo muddadiisa iyo lacagta uu bixinayaba ayna ugu yar tahay bil.

Waxaa ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh in qof dumar ah oo uur leh lagana keenay dhinaca Hargaysa ay isku go’day intii loo diidanaa ama laga rux ruxanaayey in ay bixiso lacagta dal-ku-galka ah taasi oo ahayd dhibkii ugu weynaa ee meeshaas ka dhacay.

Waxaa jira codad iyo muuqaalo ay dadka rakaabka qaarkood ka soo duubeen kaasi oo haddii loo baahdo aan dhawaan baahin doono.