Laba ka mid ah dablaydii weerartay aqalka badhasaabka Awdal oo la qabtay

Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa sheegay in la qabtay laba ka mid dablaydii soo weerartay guriga uu ka degan yahay Boorama.

Dablaydan ayaa shalay weerar ay ku qaadeen aqal Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa waxay gaadhsiiyeen ilaalada badhasaabka khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca iskugu jira.

Labada nin ee la soo qabtay ayaa mid dhaawac yahay.

Sidoo Taliyahah Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilahi Fadal Iimaan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska ciidanka Booliska ayaa sheegay in 5 eedaysane u soo qabteen dhacdan oo uu ku jiro mid dhaawac ahi.

dhanka kale dhacdan ayaa waxa loo soo xidhxidhay dad badan ay ku jiraan Salaadiin, Cuqaal, ganacsato iyo masuuliyiin hore oo uu ku jiro Maayaarkii hore ee Boorama.

Wixii warar dheeraad ah ee ka soo kordhana kala soco Bandhige.

bandhige@gmail.com