Liibiya: xarun lagu tababaro boolis oo la qarxiyey

Xarun lagu tababaro booliska oo ku taala magaalada Zliten ayaa waxa la beegsaday qarax gaadhi, qaraxan ayaa waxa ku dhint ugu yaraan afartan qof, 120 qofna ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay Agaasimaha Cisbitaalka Zliten Abdel-Motleb bin Halim.

Afar cisbitaal oo ku yaala deegaankaa ayaa waxa la galiyey heegan ka dib markii qaraxu dhacay si ay ugu adeegaan dadka dhawaacu soo gaadhay.

Xarunta tababarka booliska ayaa waxay hore ahayd saldhig military wakhtigii uu xukunka hayey Qadati. Dagaalka Liibiya waxa uu bilaabmay tan markii 2011-kii xukunka laga riday Qadafi. Sidoo kale waxa isa soo taraya walaaca laga qabo in uu ay kooxda Daacish ku xoogaysato guddaha Liibiya.

bandhige@gmail.com