Urur ka talin doona aayaha dhallinyarada Somaliland oo  Hargeysa lagaga dhawaaqay

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay urur ay ugu magac dareen Arragti –wadaagta xildhibaanada ee Arrimaha Dhallinyarada oo wax ka qaban doona dhibaatooyinka haysta dhallinyarada.

Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka waramayey sababta ay ugu dhawaaqeen ururkan ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaanu ku dhawaaqnay urur la yidhaa Arragti-wadaagta  Xildhibaanada ee Arrimaha Dhallinyarada, waxaana ay ka kooban yihiin xildhibaano ka soo kala jeeda asxaabta  Qaranka iyo gobolladda Somaliland oo dhan. Xildhibaanadan ayaa waxay iskugu yimaadeen sidii u horumarin lahaayeen, uguna doodi lahaayeen arrimaha dhallinyarada golaha dhexdiisa.”

Axmed isago hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

“Madaama ay dhallinyaradu Somaliland yihiin boqolkiiba todobaatan, kuwa dalka u badan, oo sugayaa mustaqbal, berina noqon doonaan madax, ganacsato iyo madax-dhaqameedyo ah rasamaalkii beri ee waddanka, xil weyn baa naga saaran, madaama ay ka mid yihiin dadka aynu u wada adeegayno, ururkan waxaanu u aasaasnay in hoos loo eego baahiyaha dhallinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa.”

Gebgebadii waxa Axmed sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada la is  dhexgeliyo iyo oo isdhexgal bulsho ka dhacaan dhallinyarada Somaliland isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa loo baahan yahay in dhallinyarada la is dhex galiyo oo barwaaqada dalkooda taala la baro iyo in ay wada leeyihiin la baro ka bari jooga iyo galbeedba. In sidoo kale la baro shucuur waddaniyeed oo ah sidii ay waddankooda u difaacan lahaayeen.”

Ururka ayaa ka duwan ururadii hore dhallinyarada ee ka jiray kuwaas oo dhammaantooda ka shaqeeya horumarinta arrimaha dhallinyarada, balse ururkan ayaa mid ay u midoobeen xilldhibaano ku jira golaha wakiilada oo uu gadhwadeen ka yahay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid xildhibaanada faro ku tiriska ee ka warqaba ama ka agdhow arrimaha dhallinyarada kuwaas oo saaxiib dhow la ah dhallinyarada.

bandhige@gmail.com