Ma dhabbaa Suldaan Wabar maanta ayuu ciidanka Somaliland isu soo dhiibayaa?

Suldaan Abubaka Cilmi Wabar oo ka tirsan hoggaanka dhaqanka ee Awdal oo Somaliland in muddo ah ka soo horjeeday ayaa la sheegayaa in uu maanta isku soo dhiibi doono ciidanka Qaranka Somaliland. Sida lagu baahiyey warbaahinta qaar iyo boggaga ay bulshadu ku wada xidhiidho, waxa Suldaanka lagu qaabili doonaa Quljeed, waxana qaabili doonaa ciidamada qaranka Somaliland.

Suldaanku wuxu dagaal ka dhan ah Somaliland ku dhawaaqay bishii December ee sannadkii tagay kadib markii, sida uu ku sheegay farriin uu ku soo duubay cajalad muuqaal ah, uu ka dhiidhiyey in aanay beeshiisu saami u qalma ka helin xukuumadda Siilaanyo isla markaana wax laga qaban waayey madax-dhaqameedkii Awdal ee cabashada u gudbiyey xukuumadda Siilaanyo dabayaaqadii bishii sideedaad ee 2014, sidaas daraadeedna uu qaatay una dagaalamayo mabda’a federaalaynta Soomaaliya.

18 March ee sannadkan Suldaan Wabar wuxu ku dhawaaqay jabhad-goboleed magaceedu yahay Awdal Regional Administration Army (ARAA) wuxuna soo bandhigay calan ka kooban buluug iyo cagaar dhexdiisana libaax ku sawiran yahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku qeexday Suldaan Wabar in uu yahay qaran-dumis himiladii dadkiisa ka baydhay. Madaxweyne Siilaanyo oo markii u horaysay una dambaysay arrinta Suldaanka kaga hadlay khudbaddii sannadka cusub ee 1dii January laga sii daayey Telefishanka Qaranka ayaa yidhi:

“Shacabka reer Somaliland way ka tashadeen qof waddo qaloocan iyo qorshe gurracan ku baaqaya. Dadka Somaliland waxay ku heshiiyeen in ay codkooda isbedel ku sameeyaan. Qori lagama ogola cid aan ahayn ciidamada ammaanka. Qofkii wax tabanaya ee garnaqsanaya waan soo dhawaynaynaa una garaabaynaa, laakiin qofka sida Suldaan Wabar qaran-dumiska ah ee qoriga qaata waxan ka qaadaynaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

Hawlgallo tiro badan oo qaarkood lagu nafwaayey ayaa jabhadda Suldaanku ka fuliyeen deegaannada Awdal. Qaxa ugu dambeeyey weerarkii ay ku ekeeyeen guriga Badhasaabka Awdal kaas oo laba askari ku geeriyooday.

Weerarkaasi wuxu keenay in ciidamada Somaliland gudaha u galaan Itoobiya kadibna ay qabsadaan saldhiggii jabhadda Suldaana isla markaana ay xukuumadda Itoobiya ku qasabtay Suldaanku in uu dalkeeda dibadda uga baxo.

Sidoo kale weerarkaasi waxa uu sababay xadhiga haldoor ka tirsan beeshiisa hoose.

Haddii ay rumawdo isa-soo-dhiibitaanka Suldaanku, wuxu war wanaagsan u noqon doonaa Awdal oo ah gobol marka hore caan ku ahaan jiray nabad iyo xasillooni.

Bandhige@gmail.com