Maayar-xigeenada Biristol iyo Hargeysa oo kulmay

Maayar-xigeenka Cabdicasiis Cagoweyne oo uu weheliyo safiirka wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo xubno ka tirsan hormuudka jaaliyada Somaliland ee Biristol ayaa la kulmay Madaxda Golaha Deegaanka Biristol oo uu hor kacayay Maayar-xigeenka Biristol iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Biristol oo ay ka mid tahay Hibaaq Jaamac oo asal ahaan u dhalatay Somaliland.

Cabdicasiis Cagoweyne ayaa sheegay in socdaalkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya shacbiga Somaliland iyo Ingiriiska, sidoo kalena loo xoojin lahaa xidhiidhka magaalooyinka Somaliland iyo kuwa Ingiriiska ku yaal ee ay Biristol ka mid tahay.

Xildhibaan Hibaaq Jaamac ayaa iyaduna sheegay in ay Biristol waajib ku tahay in ay caawiso Hargeysa iyo in meelkasta oo dunida ka mid ah gacan waxtar leh loo fidin karo.

Sidoo kale waxay sheegtay in caawinta Biristol ay tahay sidii loo abuuri lahaa in dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka ay Biristol caawisaa u heli lahaayeen nolol tayo leh oo dadkoodu ku noolaadaan intii ay tahriibta halista badan naftoodu isku soo halaagi lahaayeen.

Maayar-xigeenka Biristol ahna kusimaha Maayarka Biristol oo fasax ku maqnayd ayaa sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in Biristol uu ku soo booqdo Maayar-xigeenka Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in uu aad u soo dhawaynayo, waxa kale oo uu tilmaamay in wax kasta oo suurto gal ah ay la qaban doonaan Somaliland. waxaana loo ballamay in la dejiyo barnaamuj cad oo la raaco si loo ogaado baahiyaha u badan ee jira iyo sida wax looga qaban karo.

Socdaalkan shaqo ee Maayar-xigeenka Hargeysa uu ku joogo Ingiriiska ayaa ah mid lagu abuuro xidhiidho qoto dheer oo dhex mara magaalooyinka Somaliland iyo dalkan Ingiriiska.

bandhige@gmail.com