Maayar-xigeenka Turku ee Finland Rooda Cabdilahi Xasan ayaa booqatay xarunta wax-akhriska Berbera oo ay shaqadeedii ugu horeysay ka bilowday

Rooda Cabdilaahi Xasan oo Maayar-xigeen ka ah magaaladda Turku ee dalka Finland oo uu weheliyo Maayarka Berber Cabdirashii Maxamed Xasan (Cidin) ayaa booqasho ku soo martay laybareeriga xarunta wax-akhriska Berber.

Rooda oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa sanaddihii u dambeeyey ku hawlanayd sidii ay kor ugu qaadi lahayd xidhiidhka Somaliland Iyo Finland. Qorshaheeda koowaad eek u dhaqaaqdayna noqday sidii loo mataanayn lahaa xarunta wax-akhriska Turku Iyo xarunta wax-akhriska Berbera oo muddo kooban Jirtay.

Maayirka BerBera oo hadalo ka kooban ka jeediyey booqasha Maayir-xigeenka Turku ayaa waxa uu yidhi:

“Runtii Rooda waa shaqsi ku suntan hor-u-mar, wax weyna u qabatay waddanka, haddii aan is idhaahdo ka sheekee waxyaalaha ay waddanka u qabatay ma soo koobi karo, waana shaqsi hawl kar ah, runtii aad iyo aad baan ugu mahad-naqaynaa Rooda”.

Ugu dambeyntii waxa halkaasi ka hadashay Rooda waxaanay tidhi:

“Ugu horeyn waxaan halkan uga mahad-naqayaa wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali kaas oo runtii aad iila shaqeeya ina taageera iina fududeeya markaan hawlahan aan qabanayo, waana wasiirka kaliya ee aan hello markasta oo aan u baahdo , insha alah waxaan ku ku hawlahanahay inaan isku xidho labbada xarumood ee wax-akhriska si ay isula jaan qaadaan, runtii aad ayaan idiinku mahad celinayaa madaxda gobolka Saaxil sida sharafta leh ee aad isooo dhaweyseen, waanad ku mahadsan tihiin.”

Rooda ayaa ka mid ah shakhsiyaadka tira yar ee ku nool waddanka dibaddiisa ee ku maamulada magaalooyinka ay degan yihiin, xidhiidhka ay Rooda ka dhawaajinaysa waa mid wax weyn ka tari doonto baahiyahay wax-akhris ee ka jira Berbera.

bandhige@gmail.com