Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay beenisay ciidamo loo qorayo Sucuudiga

Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay beenisay warar sheegaya in ciidamo loo qorayo Sucuudiga ka qayb gala dagaalka uu hormoodka ka yahay Sucuudiga ee ay kula jiraan Xuutiyiinta.

Wasiir-xigeenka arrimaha Dibadda Axmed Aadan Ismaaciil (kayse) ayaa sheegay in aanu warkasi waxba kama jiraan been abuura yahay, waxaanu ugu baaqay mucaaradka in ay iska hubiyaan wararka ay ummadda u sheegayaan,

Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay in Somaliland diyaar u ahayn in ciidamo u qorto sucuudiga ama wadan kaleba.

Wararka ciidamaddan loo qoro sucuudiga ayaa ahaa wararka maalmihii u danbeeyey la isla dhex marayey.

Qorista ciidamadda sucuudiga ka sokow madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhawr jeer safaro ku tegay Sucuudiga, taaso oo la odhan karo cilaaqaadka Sucuudiga iyo Somaliland waa bilow ah.

bandhige@gmail.com