Xukuumadda oo heegan galisey ciidanka bilayska kana mabnuucday in laga kireeyo Hudheellada xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga

Kulan balaaadhan oo heegan buuxa lagu galinayo ciidan booliska oo ay isugu yimadeen saraakiisa ugu sarsaraya ciidanka bilayska, ayaa wuxuu galabnimadii shalay ka dhacay taliska guud ee ciidanka bilayska.
Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir-xigeenka Arrimaha Guddaha qaybta Degmooyinka Axmed faarax Cadare iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Ugu horeyn waxa ka hadlay kulankan Taliye Fadal waxaanu yidhi:

“Nabad-galyadda guud ee dalku wey wanaagsan tahay, sababta aanu iskugu kiin yeedhayna waa diyaar garow iyo xoojin amniga, kuma koobna oo kaliya caasimada ee waxay ka socotaa dhamaan goboladda dalka, ciidanka bilaysk wuxuu galay heegan, waxayna heegan u yihiin howlahoodii caadiga ahaa ee ay qabsan jireen awalba, iyo in ay ka hortagaan cidkasta oo isku dayda in ay nabad-galyadda qaranka waxyeeleynayso iyo nabad-galyadda shacabka wax udhimaan, iyagoo qaadaya talaabo aan sharciga waafaqsanayn.”

Sidoo kale waxa uu baaq u diray bulshadda reer Somaliland in wax-kasta oo dareen ka gal0 ay u soo sheegaan bilayska sidii ay ula shaqayn jireen bilayska
Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay wasiir-xigeenka Arrimaha Guddaha qaybta Maamulka iyo Degmooyinka waxaanu yidhi:

“Dhammaan waxaanu u sheegayaa dadka maamula Hudheeladda iyo Hoolalka shirarka lagu qabsaddo in aanay ka kirayn Karin wax shir ah aanay dawladda ogalayn, qofkii arrinkaa sameeyana masuuliyeedda u qaadi doono.”

dhinaca kale waxa uu baaq u diray xisbiyada mucaaridka, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya arrintaasna:

“Waxaad la socotan in Xisbiyada mucaaridku iyo Madasha Wada-tashigu ay ku dhawaaqeen in ay qaban doonaan shir aan sharci ahayn. Wasaaradda Arrimaha Gudduhu iyo Ciidamadduba mucaarid iyo muxaafid waxay u yihiin inay amnigooda ilaaliyaan. Waxaan shacbiga reer gaar ahaan ganacsatada kiraysa ama leh hoolalka shirro ama guryaha waaweyn ee lagu qaban karo shirkaasi in aan shir aan sharci ahayn oo khal-khal galin kara amniga waddankeena aanan aanu ka raali ahayn, ciddi qabataana ay masuuliyadeeda qaadan doonto.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Siyaasiyiinta tartamaysa waxaan leeyahay shacabku way bislaadeen, waxaad qabanaysaan shacabka u soo bandhiga, TVyada kaalaya oo ka dooda, badaan casaynayaa oo cadaynayaa dheh ama waan macaanaynayaa dheh, tartanku waa xalaal, laakiin waxkasta oo nimcadeena daadin kara aynu ka foojignaano.”

Heegankan la galiyey ciidanka bilayska ayaa imanaya goor ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaridku iyo Madasha wada-tashigu inay qabayaan 23ka July shirka ay ka arrinsanayaa wakhtiga waddanka doorasho ka dhici karto maadaam ay xukuumaddani qaban kari wayd doorasho.
bandhige@gmail.com