Xisbiyadda mucaaradka iyo Madasha Wada-tashiga ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay qabanayaan Shirweynaha Aayo-ka-tashiga Qaranka

Shir-saxaafadeed ay maanta wada-jir u qabteen Xisbiyadda mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga ayey ku shaaciyeen wakhtiga ay qabanayaan shirweyne qaran oo muddooyinkii danbe ay ku baaqayeen, waxaanay sheegeen in uu shirkaasi qabsoomi doono 23ka bisha July oo ku beegan maalinta khamiista, socon doonana 3 cisho, lagaga hadli doonana wakhtiga doorashada dalka ka dhacda la qabanayo madaama ay xukuumaddani qaban kari wayday.

Ugu horayn waxa ka hadlay shir-saxaafadeedkan musharaxa madaxweyne-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashid Xasan Mataan waxaanu yidhi

“Shirka Aayo ka tashiga waxa la qabanayaa 23ka July, waxaanu socon doonaa muddo 3 cisho, waxaana lagaga hadli doon wakhtiga doorasho waddanka laga qaban karo madaama ay xukuumaddani qaban kari wayday doorasho”

Waxa kale oo ka hadlay shir-saxaafadeedkan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaanu sheegay sababta keentay in xiligan la qabto ayuu ku tilmaanay in ay masuul ka yihiin madaxweynaha iyo xukuumadda hada talada haysaa, isla markaana ay kaga baxeen asxaabta mucaaridka xalkii siyaasiga ahaa ee laga gaadhay muddo kordhinta, waxa kale oo uu tilmaamay in waajib tahay in ummaddu tashadaan, kana hadlaan xaalka iyo sidi loo badbaadin lahaa dalka,

Geb gebadii shir-saxaafadeedkan ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac waxaanu sheegay in shirku qabsoomayo lagana hadlayo wixii ummadda u dan ah.

Waxa kale oo uu sheegay haddii xukuumaddu jeceshahay iyo hadday neceb tahayba uu shirku qabsoomaayo oo ay lexejeclo ka qabaan waddanka.

Shirkan ay mucaaridka iyo Madasha Wada-tashigu ku baaqeen ayey xukuumaddu hore u sheegay inaan laga ogolayn shirar la mid ah shirka ay ku baaqeen.

bandhige@gmail.com