Madaxda Wasaaradda Duulista oo munaasibad hadhimo-sharafeed ah u sameeyey Xoghayaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Jabuuti

Madaxda Wasaaradda Duulista iyo Hawada ayaa maanta munaasibad hadhimo sharafeed ah u sameeyey Xoghayaha xidhiidhka kubbadda cagta Jabuuti oo hawlo shaqo u joogay Hargeysa.

Hadhimo sharafeedkan oo ka qabsoontay Hudheelka Ambasadoor ayaa waxa sidoo kalena ka qayb galay madaxda Wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista.

Ugu horeyn waxa ka hadalay munaasibadan Agaasmiaha Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaarah iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye waxaanu yidhi:

“Waynu ugu mahad naqaynaynaa Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo martiqaadkan maanta lahayd, waxaana inala jooga Agaasimaha Guud oo Wasiirkii ka wakiil ah, Wasiirku wuu jeclaa inuu inala joogo, laakiin hawl baa ku soo baxday, tani waxay ka mid tahay dareenka dadka reer Somaliland masuuliyiin iyo shacaba ay ka muujinayaan imaashaha Waftiga xidhiidhka kubada cagta ee Jabuuti, iyo tabababarkii iyo shaqadii ay la qabteen xidhiidhka kubbadda cagta ee Somaliland, aad baanu ugu mahad celinayaa, hawshaa aad qabateen waa mid muuqata, Wasaaradayada iyo Wasaaradda Duulistuna aad ayey u wada shaqeeyaan waanay isu dhaw yihiin.”

Xoghayaha Xidhiidhka Kubada cagta ee Jabuuti Xasan Maxamed Kaamil oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi:

“Aad ayaad ugu mahadsan tihiin casuumadan, waxa aan odhan lahaa arrintan tabobarka ee aynu samaynay yaan halkan lagu joojin, ee aynu wadno, Wasaaraddana waxa u taala hawl culus, garsooreyaasha in la tayeeyo ayaa u taal, anaguna waxaanu idiin soo gudbin doonaa rag ugu tayada wanaagsan iyo sida ay u kala horeeyaan, idinka ayey idiin taalaa sida aad u kala saari lahaydeen, idinka oo ka ilaalinaya arrimaha khatarta ku ah, taasna waxaad ku gaadhi kartaan oo kaliya Caddaalad, waanan hubaa inaad sidaas samayn doontaa Insha Allah.”

Ugu dambayntii waxa munaasibadan ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan waxaanu yidhi:

“Runtii aad ayaanu idinku mahad celinayaa guud ahaan, sida aad nagala soo qayb gasheen casuumadan, wasiirka ayaa casuumadan inagula jiray, halw ayaa ku soo koradhay, oo sidaas ayuu inooga maqan yahay, anagu ka Wasaarad ahaan aad baanu u danaynaa ciyaaraha, waxa aanu leenahay koox heerka koowaad ah, oo horyaalka haysta, aad baanu u tayeynaa kooxdaas, waxa kaliya ee naga dhinayd waxay ahayn in garoonka Hargeysa doog la dhigo iyo in xidhiidhka la tayeeyo garsooreyaashana aqoontooda la dhiso intaasina waa inta ay maaanta Wasaaradda Ciyaaruhu gacanta ku hayso.”

xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeya ayaa keenay in ay xidhiidhka kubbadda cagta Jabuuti tabobar u fidiyaan xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland oo aan helin tabobar caalami ah.

bandhige@gmail.com