Madaxwaynaha Jsl oo xil kaqaadis iyo magacaabid ku sameeyay xubno kamid ah xukuumada

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya