Madaxweyhihii dalka Guatemala oo isku casilay eedaymo laaluush dartood

Madaxweynaha dalka Guatemala Oto Perez Molina ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweyne-nimo ka dib markii lagu soo oogay dacwado la xiidha musuq maasuq.

Shalay oo khamiis ahayd ahayd ayaa uu Molina ku dhawaaqay iscasilaadiisan, waxaana la filyaa in uu hortagi doono maxkamad laga furi doono dawcado la xidhiidha lacago laaluush oo uu ka qaatay dad ganacsato ah.

Alejandaro Maldonado oo ahaa ku-xigeenkiisii ayaa si ku meel gaadh ah loogu dhaariyey jagadda Madaxweyne-nimo in uu sii hayo inta sannadka cusub ka hadhay oo lagu qaban doono doorashada Madaxweynimada.

Hase ahaatee nin dacwad ooge ahaa ayaa soo jeediyey in xabsiga la dhigo Madaxweynihii hore Guetemala ilaa inta lagu guddo jiro baadhitaanada la xidhiidha dacwada lagu soo oogay.

Mr. Molina fadeexada ugu weyn ee musuq maasuq ee la soo daristay ayaa ahayd in uu cashuur dhaaf u sameeyey ganacsato waa weyn oo dalkiisa ah, isla markaana uu ka qaadan jiray laaluush oo aan haba yaraatee wax cashuur ah laga qaadi jirin alaabada ay dalka soo galiyaan.

bandhige@gmail.com