Madaxweynaha Eeraan oo ku baaqay in Qaramada Midoobay baadho dhacdadii xajka

Madaxweynaha Eeraan Xasan Rooxaani ayaa ugu baaday Qaramada Midoobay in ay baadhitaan ku samayso dhacdadii xajka ka dhacda ee isjiidhkii xujaajta ee ay ku dhinteen xujaaj gaadhaysa 769 oo ah tiradii ugu danbeysay ee Sucuudigu shaaciyo.

Muftigu ugu sareeya Sucuudiga Sheekh Cabdicasiis ayaa isaguna ku tilmaamay dhacdadii xajka in ay ahayd mid ka baxsan xaadaha bani-aadamku maamulo oo aan lagu eedayn karin bani-aadamka.

Wali waxa isa soo taraya eedaynta ay dawladda Eeraan u soo jeedinayso Sucuudiga gaar ahaan sida ay u maamusho xajka.

Dalka Eeraan ayaa waxa kaga dhintay dhacdadii ka dhacday xajka 136 qof.

Sucuudiga ayaa gabi ahaanba eedaymahaas oo dhanka iska fogeeyey oo sheegay in xujaajtu aanay raacin tilmaamihii la siiyey.

Dhinaca Boqorka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in baadhis degdeg ah lagu sameeyo dhacdan ka dhacday xajka oo aan sannadan dambe ka dhicin xajka.

bandhige@gmail.com