Madaxweynaha Gambia waxa maanta lagu caleemo saarayaa magaalada Banjul halkaas oo ay ka dhacayso dabaal-dega sannad guurada 52 ee madax-banaadida

 

Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, oo markii hore lagu caleemo saaray safaarada Gambia ku leedahay dalka Senegal ayaa maanta si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Caleemo saarka hore Barrow wuxu bishii hore uga dhacay safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday in uu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.

Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa maanta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudadaa dalku yeesho.

Wuxuu ballan qaaday in uu waa cusub u barin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen in uu xilka ka dego.

Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

Kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaala caasimadda.

bandhige@gmail.com