Madaxweynaha wuxu safar ugu baxay dalka Ingiriiska

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo safar gaar ah ugu baxay dalka Ingiriiska Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/02/2017, waxa safarka madaxweynaha ku wehelinaayey Marwada Koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Cali Axmed Cali, safarka oo lagu wado inuu muddo laba todobaadka ah qaato ayaa saxaafada waxa uga warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan uu ka waramayo Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyada Somaliland oo ka warbixinaya safarka Madaxweynaha iyo Safar koox xukuumadda ahi ugu ambabaxeen Dubai:

bandhige@gmail.com