Madaxweynaha Kongo wuxu shaqadii ka eryey wasiirro ka soo hor jeedsaday musharaxnimadiisa

Maalmahan u dambeeyey waxa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka soconayey qalalaase siyaasadeed oo dhashay kadib markii la ogaaday in Madaxweyne Joseph Kabila uu mar saddexaad u taagan yahay madaxnimada dalkaas.

Madaxweyne Kabila wuxu maanta shaqada ka eryey tiro wasiirro ah oo ka soo horjeedsatay musharaxnimadiisa, kuwaas oo la filayo in ay ku biiraan dadka isaga ka soo hor jeeda. Waxa ugu tun wayn Wasiirkii Qorshaynta Olivier Kamitatu iyo xubno ka tirsan kooxda la yidhaa G7.

Madaxweyne Kabila wuxu ka mid yahay hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo kadib markii wakhtigii dastuurku sheegayey in ay ka fadhiistaan shaqada ay gaadheen haddana raba in ay kursiga ku sii fadhiyaan sida ka Burundi iyo kii Burkina Faso ee sannadkii hore dibad-baxayaashu caydhiyeen.

Bilahan soo socda ayaa ka kala ogaan doonaa waxa ay noqoto awoodda Joseph Kabila iyo in uu kaga dhabayn karo damaciisa ah in uu mar saddexaad dalkaas madaxweyne ka noqdo.

Bandhige@gmail.com