Madaxweynaha Masar iyo Trump waxay ku kulmayaan Washington

 

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax al-Sisi ayaa ku sugan magaalada Washington ee caasimadda u ah dalka Maraykanka, isaga oo kulan la leh madaxweyne Donald Trump.

Wuxuu noqon doonaa madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan ah ee la kulma Trump.

Sisi ayaa sidoo kale ahaa madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan ah ee la hadla una hambalyeeya Trump kadib markii uu si layaableh ugu guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka Maraykanka.

Wadahadallada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa la filayaa in ay ka mid noqdaan qodobada laga wadahadlayo, sidoo kale waxaa la isla soo qaadi doonaa dagaalka ka dhanka ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labada hoggaamiye ayaa magaalada New York ku kulmay Sabtembartii sannadkii hore, markaas oo Sisi uu Ney York u joogay in uu ka qaybgalo Shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

bandhige@gmail.com