Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulan Afur iyo casho-sharaf ah u sameeyey culimadda dalka

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xalay qasriga madaxtooyada   kulan afur iyo casho-sharaf ah u sameeyey culimadda  dalka oo ka kala yimid goboladda dalka, kulankan ayaa dhaca sannad walba bisha Ramadaan tobanka ugu danbeeya.

kulankan ayaa ahaa mid laba weji xambaarsan, wejiga koowaad oo ahaa xog waraysiga culimadda iyo inay la wadaagaan talooyinka culimaddu ay u hayaan madaxweynaha.

Wejiga labaadna waxa uu ahaa maamuuska iyo hambalyeynta  laba wiil oo kaalmaha koowaad ka galay tartan Qur’aanka kariimka  oo ka dhacay Sucuudiga iyo Kuwayd.

Gebo gebadii kulankan ayaa waxa ka hadlay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo culimada ku baraarujiyey inay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada dalka.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlayey isku duubnida bulshada Somaliland wuxuu yidhi:

“Waad ogtihiin in dadkeenu jecel yihiin isku-duubnida iyo hor-u-marka, dedaal badana ugu jiraan maalgelin iyo hor-u-marinta dalka, inagu waa inaynu la garab taagnaano dhiiri-gelinta iyo tusaalaynta“.

Kulankan casho-sharafta ah ayaa ka mid ah kulamadda madaxweynuhu la qaato bulshada reer Somaliland.

bandhige@gmail.com