Madaxweynaha Somaliland ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo maareeyayaal hay’daha madaxa banaan ah

Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray raacii labaad ee masuuliyiinta uu u kala magacaabayo xilalka kala duwan ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo maareeyeyaal hay’ado madax bannaan. Hoos ka akhri war-saxaafadeedka madaxtooyada.

03/01/2018

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:         

 

Markaan Arkay:                      Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay:                      Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay:              In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:                La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

Tir Magaca Xilka
1. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
2. Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
3. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
4. Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
5. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka
6. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland