03/01/2018
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018 uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya
- Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,
- Hay’adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,
- Wasaaraddaha loo bedelay hay’ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay’ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
- Hay’adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo
- Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.
Madaxweynuhu:
Markaan Arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;
Markaan Arkay; Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;
Markaan Ku Qancay; Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;
Markaan Go’aansaday; In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;
Waxaan Soo-saaray
Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland