Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil โSaylicโ oo ku sugan Boorama ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray wadada halbowlaha ee isku xidha xaafadaha Boorama, wadadan oo ay hirgaliyeen dawladda hoose ee Boorama ayaa waxa la saaray laami tayo.
Saylici ayaa waxa uu soo dhoweeeye horumarka balaadhan ee ay ku soo kordhiyeen Golaha Deegaanka Boorama xaafadaha iyo guud ahaan laamidan oo wax weyn ka tari doonta isku-socod gaadiidka.
Sidoo kale waxa uu Saylici gurigiisa ku booqday Abwaan Afgudhiye oo muddooyinkii u dambeeyey xanuusanayey, kaas oo Fanaaniin iyo Abwaano ugu baaqeen dadweynaha iyo xukuumaddaba in ay ka taakuleen dirista Abwaan oo dhakhtar dibedda loo diro.
Halkan hoose ka daawo warka xadhig ka jarida waddada: