Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa shir-saxaafadeed qabtay maanta markii uu ka soo noqday Ereteriya, wuxu ka hadlay wada-hadalkii ONLF

Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta ku soo laabtay Caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga wuxuuna qabtay Shir Jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo fara badan oo ku aadan xaaladaha Degaanka, Dalka iyo gobolka Geeska Afrika. Sidaa waxa bartiisa Facebook ku daabacay Guuleed Casoowe oo ka mid ah aqoonyahan Dawlad-Deegaanka Soomaalida.

Madaxwaynuhu wuxuu carabka ku dhuftay in socdaalkiisii u ku tagay cariga Ereteriya oo uu kaga qayb galay shirkii wada hadalka ee u dhexeeyay ururka Xoriyad u dirirka ee JWXO iyo Dalka Itoobiya.

Wuxuu madaxwaynuhu aad ugu dheeraaday sidii la isugu soo ururin lahaa halgamadii kala duwanaa ee shacabka DDS soo galeen ee xaqooda ugu dirirayeen.
Wuxuu madaxwaynuhu tibaaxay in la xusi doono dadkii u shahiiday halganadii xoriyad u dirirka.

Dhanka saraynta sharciga wuxuu madaxwaynuhu sheegay in balanqaadkii is cafinta iyo midaynta ay jiraan dad ku taamaya in ay dulmigii ay sii wadeen ay iyagoo ku gabanaya xoriyada ay carqaladaad sii wadaan iminka aan u soo jeedsan doono. Anagu dulmigii in la saxo way naga go’an tahay xafiisyada dawlada oo idilna waxaa la amray inay dabagal ku sameeyaan hantidii la lunsaday iyo lacagihii la boobay oo ay dad badani ka qayb qaateen taasiba si sharci ah ayaa loo mari iyadoon shaqsi la beegsanayn, xafiisyada baadhista ee DDS waxay bilaabeen sidii baadhitaan sharci loo samayn lahaa. Taasna in dulqaad la yeesho cidii hantida shacabka dhacday ee fawdada abuyeaysana talaabo ayaa laga qaadi.

Dhanka qabyaakada, waxaa uu msdaxwaynuhu sheegay in dad fikir xagjirnimo oo qabyaaladeed aaminsan ay jiraan balse maanta shacabku way baraarugeen oo dawladnimada iyo reernimada la kala garto. Wuxuu madaxwaynuhu sheegay in marka representationka qabyaalada aan xukuumada ku qaybsano inayna macbaheedu ahayn reer hebel ayaa xafiiskaa leh. 

Wuxuu madaxwanuhu carabka ku dhuftay in ay jiraan dad aan kala garanayn shaqooyinka ay xisbigu iyo xukuunadau kala leeyihiin iyo sgaqqoyinka federaalka iyo deegaanku kala leeyihiin. Waxuu uu sheegay in dadka qaarkii ay ku ilbaxeen inay arkaan hal nin oo kaligii talis ah uu wax walba qabto. Balse anagu waan badalnay oo cid walba shaqadiisa ayuu qabsan oo aanan looo agu fara galinayn.

Madaxwaynaha oo ka hadlay dhanka khayraadka dabiiciga wuxuu sheegay in qaybsiga khayraadka ay ka taagan yihiin fikirka uu shacabku qabo.

Dhanka kale wuxuu sheegay inuuna jirinaynin qof dacaayad wax ku hela, anagu uma joogno inaan shaqsi difaacno ma aha ayuu madaxwanuhu sheegay.

Madaxwaynuhu wuxuu shacabka ku booriyay in laga wada qayb qaato dhisida ee uuna rabin in shaqaalaha dawlada iyo masuulyiintiodaba uu ka sugayo inauna isaga amaanine ay shacabkooda u adeegaan.

Wuxuu sidoo kale madaxwaynuhu  ka hadlay in ayna munaasib ahayn in ummada soomaaluyeed qabyaalad iyo reernimo loo kala jajabiyo. Dhanka khayraadka shidaalja wuxuu sheegay in sharciga badalkiusa ay dawlada federaalka kala xaajoonayaan.
Waxaa madaxwaynaha la waydiiyay arrinta in nadaxwaynahii hore xavsiga si xun loola dhaqmay wuxuuna sheegay in Cabdi uu ka mid yahay mywaadiniinta DDS u dhalatay ee uu madaxwaybaha u yahay isla markaana ay u taagan yihiin sidii xuquuqdiisa loo ilaalin lahaa. Jidh dilkiisuna ma aha wax jira waanan ilaalibaynaa inaan xuquyqfiisa lagu xadgudbin. Maadaama aanan waraysiga oo idol idiin soo bandhigi karin fadlan kala socda SRTV