Ruushka oo masaajidkii ugu weynaa Yurub ka qotomiyey Moosko, Madaxweyne Putin oo daahfuray

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa goor dambe oo Arbacadii ah daaha ka rogay masaajidkii ugu weynaa ee dalkaas laga dhiso.

Masaajidkan waxa laga qotomiyey badhtamaha Moosko waxana xafladdii lagu furayey Madaxweyne Putin kala qaybgalay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogaan iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.

Masaajidkan oo baaxaddiisu aad u weyn tahay wuxu noqonayaa masaajidkii ugu waynaa ee laga hirgeliyo Yurub.

Moosko oo ah magaalada ay dadka ugu badan ku nool yihiin ee Yurub ah ayaa maayarkeedu sheegay in uu ku faraxsan yahay in masaajidka oo la dhisay 1906 oo aad u yaraa uu haatan yahay mid aad u weyn oo ay gudihiisa ku tukankaraan 10,000 oo qof, dayrkiisa iyo hareerihiisa marka lagu darana ay mar kaliya ku wada cibaadaysan karaan 60,000 oo qof.

Dhismaha Masaajidkani wuxu socday 10 sanno, waxa ku baxay $170 milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Lacagtaas badankeeda waxa bixiyey shirkadda ugu weyn shidaalka ee Ruushka, waxana qaadhaan ku darsaday Turkiga iyo Falastiin.

“Moosko kaligeed waxa ku nool laba milyan oo muslimiin ah. Afar masaajid oo kali ahi kuma filna laakiin kani waa tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday” ayuu yidhi maayarka Moosko.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa isaguna khudbaddiisii furitaanka diinta Islaamka aad u ammaanay. Wuxuna yidhi:

“Diinta Islaamku waa diin aad u qiimo badan oo u taagan caddaalad iyo sinnaan. Kuwa la baxay Islamic State (Daacish) waxay isku dayayaan in ay sumcadda ka xumeeyaan, laakiin kuma guulaysan doonaan. Argagaxisada iyo Islaamku waa laba arrimood oo kala duwan. Waddankayagana Islaamku meel wanaagsan buu kaga yaal waana mid ka mid ah diimaha ugu ballaadhan dalkan.”

Muslimiinta dunida ayaa furitaanka masaajidkan soo dhaweeyey iyadoo habeenkii Arbacada ee Ciidal-Adxa soo galaysay la furay isla markaana maanta oo ciid ah salaadda lagu tukan doono.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com