Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Aadan Xaaji Cali waxa Maxkamadda Sare loo magacaabay 28-kii May kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo 19-kii April xilkii ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali “Yuusuf-Muruq.” Goleyaasha Xeer-Dejinta ayaa Guddoomiye Aadan cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 2-dii June, wuxuna xilka la wareegay 9-kii Juun 2015.

Sida ku dhigan war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, Guddoomiye Aadan wuxu sharciga Islaamka ugu dhaartay in  uu si daacad ah ugu adeegayo caddaaladda qaranka Somaliland, kadibna Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu duceeyey in Alle u fududeeyo xilka culus ee uu qaaday kana yeelo kii dalka iyo dadkaba u horseeda caddaalad.

Maalintii uu xilka la wareegayey, guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed wuxu sheegay in uu ku dedaali doono in uu caddaaladda daadejiyo oo kiisaska sahlan oo dhan lagu qaado degmooyinka, taas oo keenaysa in caddaaladdii ay dalka oo dhan ku baahdo isla markaana ay shaqo ka heli doonaan garsooreyaal iyo qareenno cusub ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Cilmi-badhis uu 2013-kii sameeyey Komishanka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul-wanaagga ayaa shaacisay in dadku garsoorka qaranka u arkaan hay’adda saddexaad ee ugu musuqmaasuqa badan dalka.

Cabashooyin ba’an oo ka jiray garsoorku waxay ay keeneen in Madaxweyne Siilaanyo warqaddii uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee maxkamadda ku xuso jiritaanka cabashooyinka dadweynaha ee la xidhiidha garsoorka qaranka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare waxa hor yaal imtixaan ah sidii uu wax uga qaban lahaa una kala furfuri lahaa garsooreyaal iyo madax ka tirsan caddaaladda oo lagu xanto in ay ku mameen dhaqaale ay ka helaan dadka ay wax u kala xukumaan iyo sidoo kale wada-xisaabtan la’aan baahsan oo la sheego in ay hannaanka garsoorka ka dhex jirto taas oo garsoorihii wax xukuma aanay jirin hannaan lagu qiimeyn karo caddaaladda xukunnada uu rido.

19-ka maalmood ee uu hadda xilka hayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare weli ma uu samayn dhaqdhaqaaq isbeddel oo la dareemi karo waxa aanay u muuqata in uu weli daraasaynayo halkii uu hawlaha ka bilaabi lahaa.

Bandhige@gmail.com