Madaxweyne Siilaanyo wuxu qaabilay wefti culus oo ka socda Baanka Adduunka

Sida ku dhigan war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xogyaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf “Naska”, Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti miisaan leh oo ka socda Baanka Adduunka.

Weftigan waxa hoggaaminayey Madaxa Baanka Adduunka u Qaabilsan Arrimaha Ganacsiga oo fadhigeedu yahay Washington.

Baanka Adduunka2
Shirka Madaxweynuhu la galay Baanka Adduunka waxa ku wehelinayey wasiirro door ah

Shir ay weftigu Madaxweynaha la qaateen waxa dhinaca xukuumadda ku wehelinayey Madaxweyne-Xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji, WasiirkaGacansiga Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cadi Aadan iyo Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Maxamuud Cawaale.

Baanka Adduunka ayaa sannadihii u dambeeyey wuxu Somaliland ka waday mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin ganacsatada oo dhaqaale lagu kaabo si ay ula yimaadaan fikrado la maalgelin karo dalkana u horseedi kara koboc dhaqaale.

Bandhige@gmail.com