Madaxweyne Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka Kuwayt

Madaxweyne Axmed Maxaned Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka kuwayt oo uu hogaaminaayey madaxa hay’adda samofalka kuwayt Fan Sacad Al Cuyabi.

Muddadii kulankaasi socday waxa lagu lafa guray sidii door wax ku ool ah ay hay’adani samafalka ahi uga qayb qaadan lahayd caawinta iyo dardargalinta shacabka Somaliland gaar ahaana dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee Gobolada Galbeedka.

Madaxa waftigan kuwayt Fan Sacad Al Cuyabi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha ay kaga hadleen siddii hay’adani ay u xoojin lahayd kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talogaleen shacabka Somaliland waxaanu iftiimiyey in hay’adani dhistay dugsiyada waxbarashada agoomaha ee ku yaala bariga Hargeysa waxa kale oo uu tilmaamay in uu hada socdo dugsigii hablaha ee agoomaha oo isla dugsigaasi inamada ka soo horjeedda.
Gebagebdii waxa uu madaxwaynaha uga mahad celiyey soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay shacbiga iyo Dawladaba.
bandhige@gmail.com